https://www.premierbank.so/

Qiimaha Saliidda Adduunka oo Ku Dhawaanaya $100 Foosto, Xiisadda Bariga Dhexe oo Sii Kacsanaysa

Qiimaha saliidda adduunka ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay tan iyo bishii July, kaddib markii ay sii xoogaysteen weerarrada iyo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe. 

Saliidda Brent ayaa kor u kacday 1.3%, iyadoo gaadhay ku dhowaad $99.22 foostadii, halka saliidda Maraykanka ee WTI ay kor u dhaaftay $94 foostadii

Korodhkan ayaa yimid kaddib markii Iran ay gantaallo ku weerartay saldhig ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalka Urdun, iyadoo sidoo kale ay soo baxeen warar la xidhiidha weerarro lagu qaaday maraakiib iyo booyado shidaal oo ku dhow Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga tamarta adduunka. 

Suuqyada caalamka ayaa ka cabsi qaba in dagaallada sii fidaya ay carqaladeeyaan sahayda saliidda iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga. Arrintan ayaa sare u qaadi karta qiimaha shidaalka, iyadoo sidoo kale kordhin karta cadaadiska sicir-bararka ee dalalka ku tiirsan shidaalka dibadda laga keeno.