Sheekh Cali Wajiis Oo Mar Kale Ku Baaqay In Dowladda Federaalka Loo Adeegsado Hub Culus Iyo Duqeymo Diyaaradeed
0 Comments
Sheekh Cali Wajiis ayaa mar kale soo saaray fatwo uu ku taageerayo in dowladda federaalka Soomaaliya ay awood u leedahay inay isticmaasho hub culus iyo diyaaradaha dagaalka si ay uga hortagto cid kasta oo hubaysan oo dowladda ka hor timaadda dhanka amniga.
Isaga oo ka hadlayay arrintan, Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in qof kasta oo hubaysan oo dowladda ka hor yimaada lala dagaallami karo, isla markaana la adeegsan karo hub kasta oo dowladda u diyaar ah, oo ay ku jiraan qoryaha, madaafiicda iyo duqeymaha diyaaradaha.
“Mar kale ayaan ku celinayaa, cid kasta oo hubaysan waa la dilayaa, waxaana loo adeegsan karaa qori, madfac iyo diyaarad lagu duqeeyo. Sheekhii mas’alo diini ah qaba ha ii soo jawaabo,” ayuu yidhi Sheekh Cali Wajiis.

