Soomaaliya: Baaqa Ankara Ayaa Lagu Maamulayaa Xiriirka Itoobiya
0 Comments
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in wixii hadda ka dambeeya xiriirka ay Itoobiya la leedahay lagu salayn doono Baaqa Ankara, oo ah hannaankii ay dowladda Turkigu ku dhex-dhexaadisay labada dal
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo wareysi siiyey wargeyska Sacuudiga ka soo baxa ee Asharq Al-Awsat, ayaa sheegay in heshiiskii Ankara ay ku gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed dhammaadkii 2024 uu dejiyey hannaan cusub oo lagu maareynayo xiriirka labada dal iyo arrinta marin-badeedka ay Itoobiya raadineyso.
Baaqa Ankara, oo la gaaray December 2024, ayaa labada dhinac ku waajibiyey inay ixtiraamaan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal, iyadoo sidoo kale lagu heshiiyey in Itoobiya hesho marin badeed oo la isku raacsan yahay, iyadoo la dhowrayo awoodda madaxbannaan ee Soomaaliya.






