https://www.premierbank.so/

OPEC+ oo Maanta Go’aan ka Gaadhaya Siyaasadda Wax-soo-saarka Shidaalka ee Oktoobar

Ururka OPEC iyo xulafadiisa, oo loo yaqaan OPEC+, ayaa maanta la filayaa inay go’aan ka gaadhaan in wax laga beddelo iyo in kale siyaasadda wax-soo-saarka shidaalka ee bisha Oktoobar.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in kooxdu ay u badan tahay inay sii waddo siyaasadda hadda jirta, taas oo ka dhigan inaan wax kordhin ah lagu samayn wax-soo-saarka bisha soo socota.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka Iran uu carqaladeeyey dhoofinta shidaalka ee mara Marinka Hormuz, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo sahayda shidaalka ee caalamka.

OPEC+ ayaa bishii Sebtembar kordhisay wax-soo-saarka, iyadoo soo afjaraysa qayb ka mid ah dhimisyadii wax-soo-saarka ee hore loo sameeyey.

Go’aanka maanta ayaa sidoo kale la filayaa inuu gogol u xaadho wadahadallada ku saabsan qoondada wax-soo-saarka ee dalalka xubnaha ka ah OPEC+ ee sannadka 2027.