https://www.premierbank.so/

Qaraxa Foolkaanaha Anak Krakatau oo Hakiyey 301 Duulimaad oo Indonesia ah

Dawladda Indonesia ayaa hakisay duulimaadyadii garoomo dhowr ah, oo uu ku jiro garoonka weyn ee Soekarno-Hatta International Airport ee Jakarta, kadib markii foolkaanaha Anak Krakatau uu qarxay, iyadoo dambaska foolkaanaha uu ku fiday hawada.

Dambaska foolkaanaha ayaa gaaray joog dhan ilaa 50,000 fuudh (15,000 mitir) dhanka Sumatra, halka dhinaca Java uu gaaray ilaa 20,000 fuudh (6,000 mitir).

Qaraxan ayaa saameeyay 301 duulimaad, oo ay ku jiraan 58 duulimaad oo caalami ah, taasoo boqolaal rakaab ah ku xanibtay garoomada. Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ayaa sidoo kale baajiyey duulimaadyadii Jakarta.

Sidoo kale, iskuullo ayaa hakiyey qaar ka mid ah hawlahoodii, halka kalluumaysataduna ay joojiyeen safarradii kalluumaysiga, kadib markii dambaska foolkaanaha uu sababay dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin cuncunka indhaha.

Mas’uuliyiinta Indonesia ayaa shacabka kula taliyey inay yareeyaan bannaanka u bixitaanka, isla markaana isticmaalaan qalabka ilaalinta neefsashada si looga gaashaanto saamaynta dambaska foolkaanaha.