https://www.premierbank.so/

Madaxweyne Cirro oo safar shaqo ugu ambabaxay Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo oo rasmi ah ugu ambabaxay dalka Maraykanka, isaga oo sii mari doona Isutagga Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland.

Safarkan ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro uu xilka Madaxweynaha Somaliland isagoo haya ku tago Maraykanka. Madaxtooyadu waxay sheegtay in safarku diiradda saarayo xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta dadaallada Somaliland ee ku aaddan aqoonsiga caalamiga ah.

Inta uu safarka ku guda jiro, Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isaga oo soo bandhigaya danaha, himilooyinka iyo aragtida shacabka Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland waxay sheegtay in safarku qayb ka yahay dadaallada Somaliland ee lagu xoojinayo xidhiidhkeeda caalamiga ah iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee ku salaysan danaha wadajirka ah.