https://www.premierbank.so/

SalamAir oo duullimaadyo toos ah ka bilowday Muscat iyo Muqdisho

Shirkadda diyaaradaha ee qiimaha jaban ee Cumaan, SalamAir, ayaa maanta, 3-da Sebtembar 2026, bilowday duullimaadkeedii ugu horreeyay ee tooska ah ee isku xidha magaalada Muscat iyo Muqdisho, taas oo labada dal u abuureysa xidhiidh cusub oo dhanka duulimaadyada ah.

SalamAir ayaa waddadan ka shaqayn doonta laba duullimaad toddobaadkii, iyadoo qiimaha tikidhka hal-jidka ahi ka bilaabanayo 79.99 Riyaalka Cumaan (OMR). Duullimaadyadu waxay sidoo kale rakaabka siinayaan fursad ay Muscat uga sii gudbaan meelo kale oo ka tirsan Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Shirkaddu waxay sheegtay in adeeggan cusub uu fududeyn karo isu-socodka ganacsatada, qoysaska iyo dadka safarka ah, isla markaana uu taageeri karo kobcinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Cumaan iyo Soomaaliya.

Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya iyo xarun muhiim u ah ganacsiga dalka ayaa sidoo kale muhiimad istiraatiiji ah ku leh isku xidhka Bariga Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya. SalamAir ayaa sheegtay in waddadan cusub ay qayb ka tahay qorshaheeda ay ku ballaarinayso shabakadda duulimaadyada Afrika.

Stephen Allen, oo ah Madaxa Ganacsiga SalamAir, ayaa sheegay in bilaabista duullimaadyada Muqdisho ay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo shirkaddu ku xoojinayso joogitaankeeda Bariga Afrika, iyadoo ka jawaabaysa baahida sii kordheysa ee loo qabo safarro toos ah oo qiimo jaban.

SalamAir waxay sidoo kale sheegtay in duullimaadyadan ay qayb ka yihiin qorshaha Cumaan ee Oman Vision 2040, gaar ahaan kobcinta isku-xirka caalamiga ah, ganacsiga, dalxiiska iyo kala-duwanaanshaha dhaqaalaha.

Jadwalka rasmiga ah ee SalamAir wuxuu muujinayaa in duullimaadyada Muscat iyo Muqdisho ay dhacayaan Khamiista iyo Axadda.