https://www.premierbank.so/

Nepal: Masiibo aan weli dhammaan

Waxay ahayd masiibo ku timid ilbidhiqsiyo biyo, dhoobo iyo dhagaxaan buuraha ka soo rogmaday, kuwaas oo qaaday wax kasta oo jidkooda yaallay.

Ku dhowaad 500 oo qof ayaa ku dhintay fatahaadaha ba’an ee ku dhuftay Nepal iyo gobolka Tibet ee Shiinaha, gaar ahaan deegaannada ku teedsan xuduudda labada dhinac. In ka badan kun qof ayaa weli la la’yahay.

Tuulooyin dhan ayaa baaba’ay, waddooyin iyo buundooyin ayaa burburay, kumannaan qofna waxay ka barakaceen guryahooda.

Dadka maqan waxaa ku jira in ka badan 500 oo ajaanib ah oo ka kala socda ugu yaraan 24 dal, kuwaas oo badankoodu ahaa dalxiisayaal ku sugnaa goobaha ay fatahaaduhu sida daran u saameeyeen.

Kooxaha gurmadku waxay weli baadhayaan dhoobada iyo burburka, iyagoo raadinaya dad nool.

Hase yeeshee, digniin laga soo saaray fatahaado kale ayaa sii adkaynaysa hawlgallada samatabbixinta.

Nepal maanta meydad ayay aasaysaa, kuwa maqan ayay raadinaysaa halka khatartuna aanay weli dhammaan.