Madaxweynaha Iiraan oo Dalalka Muslimiinta ugu Baaqay Iskaashi Amni iyo Midnimo
Madaxweynaha Iiraan ayaa dalalka Muslimiinta ugu baaqay inay ka gudbaan kala qaybsanaanta, isla markaana dhistaan iskaashi amni oo mideeya.
Madaxweynaha oo ka hadlay shir ka dhacay Tehran ayaa soo jeediyey in dalalka Muslimiintu yeeshaan heshiis amni oo wadajir ah iyo hannaan joogto ah oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhex dhasha.
Waxa uu sheegay in aan la oggolaan karin in dhulka ama hawada dal Muslim ah loo adeegsado weerar lagu qaado dal kale oo Muslim ah.
Madaxweynaha Iiraan ayaa sidoo kale ku adkaystay in Iiraan aysan bilaabin dagaalkii dhawaan dhacay, balse ay iska difaacday waxa uu ku tilmaamay gardarro.
Waxa uu ugu baaqay dalalka Muslimiinta inay xoojiyaan iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska iyo tiknoolajiyadda, isaga oo sheegay in midnimada iyo iskaashigu ay kordhin karaan awoodda dunida Islaamka.





