https://www.premierbank.so/

Turkiga oo Baadhitaan Ka Bilaabay Shirkadda Daawooyinka Israa’iil ee Teva

ANKARA — Hay’adda Tartanka ee Turkiga ayaa baadhitaan rasmi ah ka bilowday shirkadda dawooyinka ee Israa’iil ee Teva Pharmaceutical Industries, iyadoo looga shakisan yahay inay ku xad-gudubtay xeerarka tartanka suuqa dawooyinka ee dalkaas.

Baadhitaanku wuxuu sidoo kale khuseeyaa Teva International, shirkaddeeda hoosaad ee Teva Europe iyo laanta Teva ee Turkiga. Hay’adaha Turkiga ayaa baaraya in shirkaddu tallaabooyin qaaday oo xaddiday tartanka, gaar ahaan suuqa dawooyinka guud ee loo yaqaan generic drugs.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Anadolu, baadhitaanka hordhaca ah ayaa eegaya in Teva ay si istiraatiiji ah uga faa’iidaysatay nidaamka shatiyada dawooyinka, isla markaana ay hay’adaha caafimaadka ee Ankara siisay xog laga yaabo inay sawir khaldan ka bixisay waxtarka iyo badqabka qaar ka mid ah dawooyinkeeda.

Hay’addu waxay sidoo kale baaraysaa habka loo gudbiyay qaar ka mid ah codsiyada shatiyada ee la xidhiidha hababka soo saarista iyo qiyaasaha dawooyinka, iyo in tallaabooyinkaas ay saamayn ku yeesheen awoodda shirkadaha kale ee tartamaya inay suuqa Turkiga soo galaan.

Teva oo sheegtay inay iska kaashan doonto baadhitaanka

Ilaa hadda, baadhitaanka socda ma keenin wax ciqaab ama ganaax ah oo lagu soo rogay Teva. Shirkaddu waxay sheegtay in arrintu la xidhiidhto kiis hore oo tartan-diid ah oo ku saabsan dawada Copaxone, kaas oo la mid ah dacwad ay hadda waddo Komishanka Yurub, iyadoo kiiskaasi uu weli rafcaan ka yahay Maxkamadda Caddaaladda Midowga Yurub.

Teva ayaa diidday inay samaysay khalad, iyadoo sheegtay in arrintani tahay geeddi-socod baadhitaan ah, isla markaana ay diyaar u tahay inay si buuxda ula shaqeyso Hay’adda Tartanka ee Turkiga.

Teva ayaa ka mid ah shirkadaha yar ee Israa’iil ah ee weli hawlo ganacsi ku leh Turkiga, xilli labada dal uu ka dhexeeyo khilaaf siyaasadeed iyo xayiraado ganacsi. Shirkaddu waxay xarunteeda Turkiga ku leedahay Istanbul, iyadoo sidoo kale halkaas ka waddo hawlo suuq-geyn iyo iskaashi la xiriira horumarinta helitaanka adeegyada caafimaadka.