https://www.premierbank.so/

Laba Askari Itoobiyaan ah oo Qaramada Midoobay u Joogay Nabad-ilaalinta oo lagu Dilay Koonfurta Suudaan

JUBA — 25 Agoosto 2026: Laba askari oo Itoobiyaan ah oo ka tirsanaa ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Isniintii ka dhacay gobolka Jonglei ee Koonfurta Suudaan, halka toddoba qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen rag hubaysan oo aan weli la aqoonsan, kuwaas oo beegsaday roondo ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan (UNMISS), xilli ay ku sii jeedday deegaanka Pajut.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah saddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta, laba askari oo boolis ah oo u dhashay Koonfurta Suudaan iyo laba shaqaale rayid ah. Saddexda askari ee dhaawacmay iyo labadii askari ee la dilay ayaa dhammaantood ahaa Itoobiyaan.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in roondadani ay ka mid ahayd hawlgallada joogtada ah ee UN-ku ka sameeyo deegaannada ay ka jirto amni-darradu.

Kuwani waa roondooyin joogto ah oo Qaramada Midoobay ay waddo iyadoo isku dayaysa inay wax ka qabato amni-darrada joogtada ah ee deegaanka,” ayuu yiri Dujarric.

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in si degdeg ah oo dhammaystiran loo baaro weerarka, iyadoo masuuliyiinta ay ugu baaqday in la horkeeno sharciga cid kasta oo ka dambaysa. Dujarric wuxuu xusay in weerarrada lagu qaado ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ay, marka loo eego sharciga caalamiga ah, noqon karaan dambiyo dagaal.

Dilka labada askari wuxuu tirada ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee lagu dilay falal rabshado ah tan iyo bilowgii sanadkan ka dhigay sagaal qof, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Weerarrada ka dhanka ah shaqaalaha Qaramada Midoobay waa kuwo aan si joogto ah uga dhicin Koonfurta Suudaan, balse howlgalka UNMISS wuxuu ka hawlgalaa deegaanno ay saameeyeen iska horimaadyo beeleed, abaabulka kooxaha hubaysan ee dhallinyarada iyo dagaallo u dhexeeya kooxo hubaysan iyo ciidamada dowladda.

Dhacdadan ayaa mar kale muujinaysa caqabadaha amni ee ka jira qaybo ka mid ah Koonfurta Suudaan iyo khatarta ay ciidamada iyo shaqaalaha caalamiga ah la kulmaan xilli ay fulinayaan hawlo lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.