https://www.premierbank.so/

Thailand oo Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda u diraysa Nigeria iyo Itoobiya

Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Thailand, Sihasak Phuangketkeow, ayaa 25 ilaa 29 Agoosto 2026 booqasho rasmi ah ku tegi doona Nigeria iyo Itoobiya, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta xidhiidhka Thailand iyo qaaradda Afrika, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga iyo maalgashiga.

Booqashadan ayaa qayb ka ah Thailand–Africa Initiative (TAI), waxaana sidoo kale lagu horumarinayaa ajandaha diblomaasiyadda dhaqaale ee dowladda Thailand, iyadoo diiradda la saarayo kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga suuqyada soo koraya ee Afrika, gaar ahaan Nigeria iyo Itoobiya.

Inta uu joogo Nigeria, Sihasak Phuangketkeow wuxuu la kulmi doonaa Madaxweyne-ku-xigeenka Nigeria Kashim Shettima, Wasiirka Arrimaha Dibadda Bianca Odumegwu-Ojukwu, iyo Madaxweynaha Guddiga ECOWAS, Dr. Omar Alieu Touray, kulamadaas oo ka dhacaya Abuja.

Wuxuu sidoo kale hoggaamin doonaa wafdi ganacsi oo Thai ah oo ka qaybgalaya Thailand–Nigeria Business Forum oo lagu qabanayo magaalada Lagos, iyadoo la filayo in madashu dhiirrigeliso xidhiidhka ganacsi iyo maalgashi ee labada dhinac.

Marka uu gaaro Itoobiya, wasiirku wuxuu kulamo la yeelan doonaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timothewos iyo masuul sare oo ka socda Guddiga Midowga Afrika.

Waxaa sidoo kale Addis Ababa lagu qaban doonaa munaasabad dib loogu bilaabayo siyaasadda Thailand–Africa Initiative, taas oo ay ka qaybgelayaan diblomaasiyiin, wakiillo ka socda hay’adaha dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo hay’adaha caalamiga ah ee Itoobiya ka hawlgala.

Wasiirka ayaa sidoo kale hoggaamin doona wafdi ganacsi oo Thai ah oo ka qaybgalaya “Thailand–Ethiopia: Building Business Bridges”, oo Addis Ababa lagu qabanayo, kaas oo loogu talagalay in lagu abuuro xiriirro ganacsi iyo in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya qaybaha dowladda iyo ganacsatada labada dal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Thailand waxay sheegtay in booqashadani ay tahay booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ee Sihasak Phuangketkeow ku tago qaaradda Afrika tan iyo markii uu noqday Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, taas oo muujinaysa muhiimadda ay dowladda Thailand siinayso xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ay la leedahay dalalka Afrika.