DEGDEG: Duqeyn Culus oo Ka Dhacday Xeebaha Nugaal, Dadna Lagu Dilay
Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn culus oo lagu beegsaday doon aan ilaa hadda la garan cida la socotay.
Sida ay goobjoogeyaal inoo xaqiijiyeen Duqeynta ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa toddoba qof oo la socday Doon mareysay deegaan xeebeed lagu magacaabo Argeegto oo hoos yimaada degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal.
Goobta ay duqeynta ka dhacday ayaa warar soo baxaya sheegayaan in lagu hayo Markabka markabka Lutuf oo u rarnaa dalka Turkiga, isla markaasna ay gacanta ku dhigeen Burcad-badeeda.
Waa duqeyntii saddexaad ee ka dhacda Xeebaha gobolka Nugaal, iyadoo hore weeraradan lagu eedeeyay Ciidamada Turkiga oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya.
Tillaabadan ayaa u muuqata in dagaal toos ah lagu hayo Kooxaha Burcad-badeeda oo maraakiibta ka dalbadax furasho.
Markii 13aad ayay afduubteen dhammaadka toddobaadkii hore, iyadoo tillaabadasi walaac ay ka muujinayaan dalalka ay Maraakiibtooda isticmaalaan Biyaha Soomaaliya.






