Israel iyo Turkiga oo wada-hadallo qarsoodi ah ka bilaabay Suuriya si looga hortago isku dhac militari
Dawladaha Israel iyo Turkiga ayaa sameeyay wadahadallo qarsoodi ah oo looga gol leeyahay in lagaga fogaado isku dhac militari oo ku dhexmara Suuriya. Sida ay sheegtay warbaahinta Israel, xidhiidhadan waxaa loo adeegsanayaa gudbinta fariimaha iyo yareynta khatarta isku dhaca labada dal.
Mas’uul amni oo Israel ah ayaa sheegay in Talaabiib aysan doonayn in Turkiga ay cadow ka dhigato, balse ay tallaabo qaadi doonto haddii fariimaha diblomaasiyadeed aysan waxba ka tarin jawigan cakiran.
Israel waxay si gaar ah uga walaacsan tahay joogitaan militari ee Turkigu ka sameystay Suuriya, oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca cirka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada.
Xiisadda ayaa kor u kacday kadib weerar ay Israel ka fulisay saldhigga Abuu-Duhur ee Suuriya. Turkigu wuxuu beeniyay in ciidamo ama wafdi militari oo Turki ah ay saldhigga joogeen xilliga weerarka






