https://www.premierbank.so/

Soomaaliya oo doonaysa inay ka gudubto ku-tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah

Muqdisho, 20 Augost 2026 โ€” Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waddo qorshe lagu yareynayo ku-tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga, kordhinta dakhliga gudaha iyo ka faaโ€™iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.

La-taliyaha Sare ee Amniga Cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, Abdihakim Ainte, ayaa sheegay in hoos-u-dhaca gargaarka caalamiga ahi uu Soomaaliya u yahay caqabad, balse sidoo kale uu fursad u noqon karo in dalka loo jiheeyo dhismaha dhaqaale isku filan oo waara.

Ainte ayaa tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya ay u baahan tahay in xidhiidhkeeda caalamiga ah lagu saleeyo iskaashi dhaqaale, ganacsi iyo maalgashi, iyadoo isla markaana la xoojinayo hayโ€™adaha dowladda iyo doorka waaxda gaarka loo leeyahay.

Dowladdu waxay u aragtaa kobcinta ilaha dakhliga gudaha iyo horumarinta fursadaha maalgashi inay yihiin tallaabooyin muhiim u ah in Soomaaliya ay si tartiib ah uga gudubto ku-tiirsanaanta gargaarka, isla markaana ay dhisto dhaqaale awood u leh inuu daboolo baahiyaha bulshada.

Isbeddelkan dhaqaale wuxuu sidoo kale muhiim u yahay gobolka Geeska Afrika, Soomaaliya oo doonaysa inay ka gudubto ku-tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah