Degdeg:- Safaaradda Maraykanka ee magaalada Baqdaad ayaa la sheegay inay wajahday duqaymihii ugu xoogganaa tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka.
0 Comments
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in gantaallo culus lagu garaacay aagga Green Zone, halkaas oo ay ku taallo safaaraddu, iyadoo la maqlay qaraxyo isdaba joog ah oo cabsi geliyay dadka deegaanka.
Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah, balse ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah u xidhay goobta, waxaana socda baadhitaano.
Weerarkan ayaa imanaya xilli xiisadda gobolka ay sii kordhayso, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu ka sii darto.

