https://www.premierbank.so/

Shirkadda DP World ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in howlaha dekedda Jebel Ali Port ay si buuxda dib ugu soo laabteen, kaddib hakad ku yimid dhaqdhaqaaqii ganacsi ee halkaas ka socday.

Sida lagu sheegay ogeysiis rasmi ah, hawlaha rarista iyo dejinta konteenarrada, socodka maraakiibta, iyo adeegyada saadka ayaa hadda si caadi ah u shaqeynaya. Tallaabooyin degdeg ah ayaa la qaaday si loo dardargeliyo howlaha loona yareeyo dib-u-dhacyadii ku yimid silsiladda saadka.

Jebel Ali waa halbowlaha ganacsiga ee Imaaraadka Carabta, isla markaana ka mid ah dekedaha ugu mashquulka badan dunida. Waxay isku xidhaa suuqyada Aasiya, Yurub iyo Afrika, iyadoo door weyn ka qaadata dhaqdhaqaaqa badeecadaha caalamiga ah.

Dib u bilaabashada howlaha dekedda ayaa la filayaa inay soo celiso xasilloonida ganacsiga gobolka iyo isu-socodka badeecadaha ee heer caalami.