Mohammed bin Salman oo Lagu Eedeeyay inuu Donald Trump ku Cadaadiyay Weerar ka dhan ah Iiraan, Xiisadda Gobolka oo Sii Kacsan
Dhaxal-sugaha Sucuudiga, Mohammed bin Salman, ayaa la sheegay inuu door firfircoon ka qaatay dadaallada lagu cadaadinayay Maraykanka si tallaabo milatari looga qaado |iraaN.
Sida ay werisay The Washington Post, Maxamed Binu Salmaan ayaa marar badan khadka telefoonka kula xidhiidhay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, isaga oo ku adkaysanayay in |iraaN loo arko khatar istaraatiiji ah oo u baahan in si toos ah loola tacaalo, gaar ahaan hoggaankeeda sare.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in Sucuudigu u arkayay in xaddididda saameynta Tehran ay tahay arrin degdeg ah oo la xidhiidha amniga gobolka. Si kastaba, go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan tallaabo milatari wuxuu ahaa mid uu gaadhay Maraykanku.
Xiisaddu waxay cirka isku shareertay kaddib markii |iraaN ay weerar ku qaadday Sucuudiga, iyadoo duqaymo ka fulisay magaalada caasimadda ah ee Riyadh, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo in khilaafku isu rogo dagaal ballaadhan oo saameeya guud ahaan Bariga Dhexe.






