Telefishinka Iran oo shaaciyay geerida Hoggaamiye Aayatullah Cali Khaameni
Telefishinka dawladda ah ee Iran ayaa waaberigii saaka si rasmi ah u shaaciyay geerida Hoggaamiyaha Sare ee dalkaas, Aayatullah Cali Khamenei, kaddib weerarro ay sabtidii shalay fuliyeen Maraykanka iyo Israel.
Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa sidoo kale xaqiijisay in Khamenei uu ku dhintay weerarrada, halka wakaaladda Fars ay sheegtay in lagu dilay xafiiskiisa isagoo shaqada ku guda jira saacadihii hore ee Sabtida. Wararka ayaa intaas ku daray in xubno ka tirsan qoyskiisa ay sidoo kale ku dhinteen weerarka.
Dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday baroordiiq qaran oo socon doonta 40 maalmood iyo in hayโadaha dowladda la xiro 7 maalmood. Madaxtooyada Iran ayaa ku tilmaantay dilka โdambi weyn oo aan jawaab laโaan mari doonin,โ halka Ilaalada Kacaanka ay ku gooddiyeen aargoosi โadag.โ
CBA






