Xiisadda u dhexeysa Pakistan iyo Afghanistan ayaa sare u kacday, iyadoo labada dhinac ay sheegteen khasaare iyo weerarro is-daba joog ah oo ka dhacay xuduudda.
Pakistan:
Sida xogta Global Firepower muujinayso, Pakistan waxay leedahay ku dhawaad 1.3 milyan askari, 78,000 oo ka tirsan ciidamada cirka, iyo 1,399 diyaaradood. Kuwa ugu awoodda badan waa F-16 (Maraykan) iyo JF-17 Thunder oo ay si wadajir ah u sameeyeen Pakistan iyo Shiinaha.
Waxay kaloo haysataa 64 diyaaradood oo xamuul ah, 430 helikobtar (57 weerar ah), 565 tababare, iyo 116 saldhig hawada ah.
Dhul ahaan, Pakistan waxay leedahay 2,672 taangi oo uu ku jiro Al-Khaalid, iyo 2,604 baabuur oo gaashaaman. Sidoo kale waxay si weyn u horumarisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).
Afghanistan (Taliban):
Hubka Taliban wuxuu ka yimid saddex ilood: ciidamadii hore ee Afghanistan, qalabkii Maraykanku ka tagay, iyo suuqa madow. In ka badan 1 milyan oo hub ah ayaa galay gacantooda.
Waxay haystaan hub fudud sida AK-47, M16, M4, iyo hub culus sida D-30 howitzers (100–120), 155mm hoobiyeyaal, iyo gantaallo Scud (R-17) oo gaadhi kara 300km.
Dhanka cirka, Taliban waxay sheegtay inay haysato ilaa 60 diyaaradood iyo helikobtaro ay ka mid yihiin Black Hawk, Mi-17, Mi-24, A-29 iyo MD-530.
Sidoo kale waxay qabsadeen ku dhawaad 61,000 Humvees iyo boqollaal gaadiid gaashaaman.
Waxaa laga filayaa in colaadda ay sii ballaadhan karto haddii aan xal diblomaasi ah la gaadhin, iyadoo labada dhinac ay ku adkaysanayaan mowqifyadooda, isla markaana xidhiidhka gobolka uu yahay mid aad u xasaasi ah oo u baahan tallaabooyin siyaasadeed oo degdeg ah.






