https://www.premierbank.so/

Turkiga oo Beeniyay in Nidaamka S-400 la Geeyay Soomaaliya

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa maanta si cad u beenisay warar sheegayay in nidaamka difaaca gantaallada S-400 la geeyay Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in S-400 uu yahay nidaam difaac oo gaar u ah Turkiga, isla markaana aanu jirin wax qorshe ah oo lagu geynayo Soomaaliya.

Bayaan-ka ayaa sidoo kale lagu faahfaahiyay in Turkigu uu Soomaaliya ka wado taageero ku aaddan dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, ilaalinta khayraadka dhaqaale, iyo ilaalinta danaha qaran ee Turkiga.

Arrintan ayaa si rasmi ah u soo afjartay wararkii la isla dhex marayay.