https://www.premierbank.so/

DEG-DEG| Qaramada Midoobay: Saddex-meelood meel Soomaalida ayaa wajahaya gaajo daran bisha Maarso

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ku dhawaad 6.5 milyan oo qof, oo u dhiganta saddex-meelood meel shacabka Soomaaliya, ay wajahaan macluul daran bisha Maarso. Tiradan ayaa korodhay ku dhawaad 1.7 milyan qof tan iyo bishii Jeneweri, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay.

Agaasimaha Diyaargarowga iyo Jawaabta Degdegga ah ee Haayadda Cuntada Adduunka ee WFP, Ross Smith, oo warbaahinta kula hadlay xarunta Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya si weyn uga sii dartay. Wuxuu xusay in 2 milyan oo haween iyo carruur ah ay halis ugu jiraan gaajo daran, halka in ka badan 1.8 milyan oo carruur ah oo ka yar 5 sano la filayo inay la kulmaan nafaqo-darro ba’an sannadka 2026.

Dhankiisa, Rein Paulsen oo ka tirsan FAO ayaa tilmaamay in abaar daran ay saameyn xooggan ku yeelatay wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha. Laba xilli roobaad oo is xigay oo la waayay, colaado iyo amni darro sii jirta, iyo barakac ballaadhan ayaa sii mugiyay xaaladda.

Hay’adaha gargaarka, oo ay ku jirto WFP, ayaa sidoo kale wajahaya dhaqaale yari aad u daran, iyagoo ka digay in haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin, la joojin karo ama la dhimi karo gargaarka cuntada iyo nafaqada ee badbaadinta nolosha kumannaan qof oo nugul.