https://www.premierbank.so/

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Ka Digatay Faragelin Dibadeed, Fariinna U Dirtay Tรผrkiye

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku cambaareyneyso hadallo dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Tรผrkiye, iyadoo ku tilmaantay faragelin aan la aqbali karin oo ku wajahan arrimaha gobolka.
Qoraal ay wasaaraddu maanta baahisay ahay sheegtay in goโ€™aamada siyaasadda dibadda ee Geeska Afrika ay tahay in ay goโ€™aamiyaan dowladaha iyo shucuubta gobolka, iyadoo ka digtay halista ka dhalankarta.

Somaliland waxay ugu baaqday Tรผrkiye inay ixtiraamto mabaaโ€™diida is-qaddarinta, faragelin laโ€™aanta, iyo madax-bannaanida aayo-ka-tashiga iyadoo adkeysay in xidhiishkeeda caalamiga ah uu yahay mid nabdoon, sharci ah, kuna dhisan rabitaanka dimuqraadiyadeed ee shacabkeeda.