Madaxweynaha Somaliland oo Dubai Casho Sharaf Rasmi ah Kula Qaatay Prince Edward
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey, oo weli ku guda jira safarkiisii shaqo ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka qayb-galay Casho Sharaf rasmi ah oo ka qabsoontay magaalada Dubai.
Cashadan sharaf ayaa waxaa ka soo wada qayb-galay Prince Edward, Duke of Edinburgh, oo ah walaalka Boqorka Boqortooyada Midowday Ingiriiska, King Charles III. Kulankan ayaa muujiyay heerka sare ee is-dhexgalka diblomaasiyadeed, ixtiraamka caalamiga ah, iyo wada-shaqeynta saaxiibtinimo ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Midowday Ingiriiska (UK).
Sidoo kale, cashadu waxa ay iftiimisay xidhiidhka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac, kaas oo saldhig u ah iskaashi ku dhisan kalsooni, is-ixtiraam iyo dan-wadaag.
Kulanka Casho Sharafta ah waxa kale oo ka soo qayb-galay Sir Gavin Williamson MP, oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ingiriiska, isla markaana ah saaxiib dhow oo Jamhuuriyadda Somaliland leedahay, kuna suntan taageerada joogtada ah ee uu u muujiyo qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland. Sir Gavin Williamson waxa uu door weyn ka qaataa garab-istaagga dadaallada aqoonsi-raadinta iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si gaar ah, milgo iyo qaddarinba leh, ugu mahadnaqay Sir Gavin Williamson taageerada joogtada ah ee uu siiyo dalka iyo dadka Somaliland, isaga oo had iyo jeer qaddiyadda Somaliland ka dhex muuqda fagaarayaasha siyaasadeed ee caalamiga ah.
Kulankan ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada dawladnimada, horumarinta, amniga, iyo xidhiidhka bulsho, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo is-dhexgalka shacabka labada dal. Waxaana la muujiyay rabitaan wadajir ah oo ku aaddan horumarinta dano-wadaag ah iyo mustaqbal waara.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal ay ka go’an tahay mabda’a nabad-ku-wada noolaansho, wada-hadal, is-ixtiraam iyo iskaashi caalami ah.
Gunaanadkii, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddaysay doorkeeda firfircoon ee ay kaga jirto saaxadda diblomaasiyadda caalamiga ah, iyada oo sii xoojinaysa xidhiidhada ay la leedahay saaxiibada caalamka, gaar ahaan Boqortooyada Midowday Ingiriiska (UK).
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland






