๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ง๐๐๐ค๐ข๐ข ๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก ๐๐ก ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ-๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ซ๐ฅ๐ ๐๐จ๐ฏ๐๐ซ๐ง๐ฆ๐๐ง๐ญ๐ฌ ๐๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐ข๐ญ ๐๐ ๐๐ฎ๐๐๐ข -๐๐๐๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah ka qayb-galay Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit), oo ka qabsoomay Magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Shirkan oo ka mid ah kulamada Caalamiga ah ee ugu muhiimsan Dunida, waxa badanaaba diiradda lagu saaraa hoggaaminta casriga ah, maamul-wanaagga, horumarinta Dawladnimada, iyo aragtida mustaqbalka caalamka.
Shirka World Governments Summit ee sanadkan waxa ka soo qaybgalay kumannaan qof, kuwaas oo isugu jiray Madax Dawladeed, Hoggaamiyeyaal Caalami ah, Raโiisul-wasaarayaal, Wasiirro, Khubaro Caalami ah, Ganacsato waaweyn, iyo Wakiillo ka socda Hayโadaha waaweyn ee Caalamiga ah. Ka soo qaybgalka ballaadhan ee heerkan ahi waxa uu muujinayaa miisaanka iyo saamaynta uu Shirku ku leeyahay jihaynta Siyaasadda iyo Horumarka Caalamiga ah.
Ka qaybgalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Shirka sanadkii labaad oo xidhiidh ah waxa uu si cad u muujinayaa doorka sii kordhaya ee ay Somaliland ku leedahay Fagaarayaasha Caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa inta uu shirku socdo fursad u heli doona in uu kulammo midho-dhal ah la yeesho Hoggaamiyeyaal iyo Masuuliyiin Caalami ah, isaga oo faahfaahin ka bixin doona horumarka, xasilloonida, iyo hiigsiga mustaqbal ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida oo kale, ka qaybgalka Shirkan Caalamiga ah waxa uu Somaliland u leeyahay faaโiido diblomaasiyadeed oo weyn, maaddaama Jamhuuriyadda Somaliland ay codkeeda, aragtideeda iyo waayo-aragnimadeeda Dawladnimo ka dhiibanayso Madal Caalami ah, taasi oo xoojinaysa xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Caalamiga ah.
Shirka World Governments Summit waxa si gaar ah diiradda loogu saaraa hal-abuurnimada Dawladnimada, Adeegsiga Teknoolajiyadda casriga ah, Isbeddellada Caalamiga ah, iyo xoojinta wada-shaqaynta dalalka dunida, taasi oo Jamhuuriyadda Somaliland u noqotay madal muhiim ah oo ay ku muujiso Aragtideeda, danaha Qarankeeda, iyo Doorkeeda Gobolka iyo Caalamkaba.
Jamhuuriyadda Somaliland oo sannadkii 2-aad oo xidhiidh ah ka qayb-gashay Shirka Caalamiga ah ee World Governments Summit, waxa uu astaan cad u yahay dedaallada joogtada ah ee ay Xukuumada Wadajir iyo Waxqabad ugu jirto xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed, kor u qaadista magaca iyo sumcadda Caalamiga ah, iyo halganka uu Qaranka JSL ugu jiro xaqiijinta Aqoonsi buuxa oo Caalami ah, iyada oo ay Somaliland si kalsooni iyo ku-dhacba leh uga muuqanayso Masraxayada Caalamka.
Wefiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ah:
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,
Wasiirka Madaxtooyada,
Wasiirka Macdanta & Tamarta,
Wasiirka Diinta & Awqaafta,
Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff); Safiirka Somaliland ee UAE, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda,
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






