https://www.premierbank.so/

Maxaa ka Socda Gobolka Saaxil ee Galbeedka Afrika?

Hoggaamiyaha milatariga dalka Niger ayaa ku eedeeyay madaxweynayaasha Faransiiska, Benin iyo Ivory Coast inay taageereen kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday saldhigga Ciidamada Cirka ee ku yaalla caasimadda Niger.

Weerarka oo dhacay subaxnimadii Khamiista ayaa sababay dhaawaca afar askari, waxaana sidoo kale la waxyeelleeyay hal diyaarad. Telefishinka dowladda Niger ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay si degdeg ah uga jawaabeen weerarka, iyaga oo dilay 20 ka mid ah weeraryahannadii, isla markaana gacanta ku dhigay 11 kale.

Jenaraal Abdourahamane Tchiani, oo ah hoggaamiyaha talada haya ee Niger, ayaa sheegay in Faransiiska, Benin iyo Ivory Coast ay mas’uul ka yihiin taageerada kooxaha weerarka fuliyay, inkastoo uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo arrintaas xaqiijinaya.

Dhanka kale, afhayeenno u hadlay dowladaha Faransiiska, Benin iyo Ivory Coast kama aysan jawaabin eedeymahaas ilaa hadda.

Tan iyo markii ay milatarigu la wareegeen talada Niger, Mali iyo Burkina Faso, dalalkaasi waxay jareen xiriirkii ay la lahaayeen Faransiiska iyo dalal kale oo reer galbeed ah, iyaga oo u jeestay Ruushka si ay uga helaan taageero dhinaca ammaanka ah.

Kooxda Daacish ayaa Jimcihii sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyada oo sheegtay in uu ahaa weerar qorsheysan oo si lama filaan ah loo fuliyay. Khubaro dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in weerarkan uu muujinayo kororka awoodda iyo kalsoonida kooxaha hubeysan ee ka dagaallama gobolka Saaxil.