https://www.premierbank.so/

Nin doonayey inuu soo eego minyaradiisi qarsoonayd ayaa la xidhay kadib markii minweyntii ka qarisay baasaboorkiisii

Dalka Indonesia ayaa lagu xidhay nin dalka kasoo galay dhinaca badda oo ka yimi dalka Malaysia ka dib markii uu soo booqday xaaskiisa labaad ama minyarada oo uur leh oo u degen Indonesia isagoo ka qarinayay minweyntiisa.

Ninkan ayaa lagu qabtay badda u dhexeysa Malaysia iyo Indonesia, kadib marka xaaskiisii minweynta ay ka haysay baasaboorkiisii. Mas’uuliyiinta Indonesia ayaa ninkan ku wareejiyay dowladdiisa Malaysia.

Arinkan ayaa qabsaday baraha bulshada ee dalalka muslinka ah gaar ahaan kuwa Koonfur-Bari Eeshiya.