https://www.premierbank.so/

Komishanka tamarta qaranka JSL oo amar culus duldhigay shirkada korontada ceerigaabo

Komishanka Tamarta JSL ayaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag farey inuu talaabo sharci ah ka qaado shirkadaha Laydhka ee Ceerigaabo oo diiday inay fuliyaan amarkii Madaxwaynaha JSL ku dhimay qiimihii korontada dalka.

Komishanka Tamarta ayaa sheegay in qiimo dhimista lagu sameeyey adeegga korontada dalku ay dhaqangalaysay bishan January ee sanadkan 2026, laakiin aanay fulin shirkadahaas, waxaana ay shacabka iyagana u sheegeen in aanay bixin qiimo ka badan 0.59 Centi.