https://www.premierbank.so/

TACSI MADAXWEYNE KU-XIGEEN

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi waxa uu dhambaal tacsi ah u diraa Eheladii, Qoyskii iyo Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxeen labada Marxuum ee kala ah Yuusuf Cabdilaahi Xuseen Fariid iyo Mustafe Jaamac Faarax oo gacan ka xaq darani dishay.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu labadaasi Marxuum Allah SWT uga baryayaa in uu Jannatul Firdowsa Aclaa ka waraabiyo, Eheladii, Qoyskii iyo Qaraabadii ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay ka hawl gashay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii gaysatay falkan foosha xun.