21 qof ayaa ku dhintay Shil tareen oo ka dhacay koonfurta dalka Spain
0 Comments
Koonfurta Dalka Spain waxaa ka dhacay Shil tareen oo galaaftay nolosha ugu yaraan 21 qof halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay, Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in shilkaan uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhacay.
Labada Tareen ee isku dhacay waxaa saarnaa 400 oo Rakaab iyo shaqaalaha ka shaqeeya,
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Labada Tareen ee isku dhacay ayaa kasoo kala tagay Magaalooyinka Madird iyo Cordoba, waxaana durba joogsaday isu socdka waddadaas maadaama gurmad iyo daadgurayn uu halkaas ka billowday.






