Trump, wuxuu ku mashqulsan yahay sida Mareykanka uu ku heli lahaa jasiiradda ugu weyn caalamka ee Greenland,taa beddelkeeda wax dan ah kama laha waxa ku dhaca kooxda Kurdida Suuriya ee SDF, oo 15 sanno Mareykanka uu ka faa’ideysanayay ceelash shidaalka ee ay gacanta ku hayeen, kuwaasoo hadda gacanta u galay dawladda Suuriya , halka madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac , isagoo ka faa’iideysanaya mashqulka Trump, uu hadda la wareegay dhammaan ceelasha shidaalka iyo gaaska oo lagu daray biyo xireennada laga dhaliyo korontada, taa oo awood siinaysa maamulkiisa, meeshana ka saaraysa SDF, sida ay werisey CNN.






