Daniel Levy: Aqoonsiga Somaliland waa tallaabo istiraatiiji ah oo Israaโiil iyo Maraykan ka dambeynayaan
Daniel Levy, oo hore u ahaa wada-xaajoodihii nabadda ee Israaโiil, ayaa sheegay in goโaanka ictiraafka Somaliland uu muujinayo hammiga istiraatiijiyadeed ee Israaโiil iyo saaxiibkeeda weyn ee Maraykanka oo dabada ka riixaya.
Levy wuxuu sheegay in helitaanka saaxiib ku yaalla gobol aad u istiraatiiji ah oo u dhow Badda Cas iyo marin-badeedka Bab-al-Mandab ay Israaโiil ka dhigayso xulafo amni oo Maraykanku si gaar ah ugu baahanyahay.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in waxa ugu muhiimsan ay tahay in Israaiil arinkan aanay ka nasan doonin oo aanay aqoonsi keliya ku ekaandoonin,โ ayuu Levy u sheegay Al Jazeera. โWaa inaad sii waddaa tallaabooyin kale: diyaarado badan, joogitaan ballaadhan, iyo taageero dheeraad ah. Marka aad gasho ciyaartan, waa inaad miiska ka muuqataa.โ Ayuu yidhi Levy.
Levy sidoo kale wuxuu tilmaamay in waqtiga aqoonsigu, 26-kii Diseembar, ahaa mid si xeelad leh loo doortay, maadaama la saxeexay wax yar ka hor kulankii Raโiisul Wasaaraha Israaโiil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump 29-kii Diseembar, taas oo muujinaysa in fariin istiraatiiji ah loo dirayay Washington.
Wuxuu sheegay in dardartani ay horseedi karto in dalal kale, oo Maraykanku ku jiro, dib u eegaan mowqifkooda Somaliland.






