Maraykanka ayaa joojinaya taageradiisi isbedelka cimilada iyo 66 haayadood
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku ka baxayo Heshiiska Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada, iyo sidoo kale in ka badan 65 hay’adood iyo heshiisyo caalami ah oo kale.
Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aankan uu qayb ka yahay siyaasadda mudnaanta siinaysa dalnimada Mareykanka, iyo ilaalinta shaqooyinka gudaha dalka.
Maamulka Trump wuxuu sheegay in heshiisyadaasi ay culays dhaqaale saarayaan Mareykanka.
Dhinaca kale, khubaro iyo dalal badan ayaa ka digay in tallaabadan ay wiiqi karto dadaallada caalamiga ah ee lagula tacaalayo isbeddelka cimilada, gaar ahaan iyadoo dunidu wajahaysa kulayl sii kordhaya iyo masiibooyin dabiici ah.
Qaramada Midoobay iyo waddamo badan oo Yurub ah ayaa muujiyay walaac, iyagoo sheegay in ka bixitaanka Mareykanku uu dib u dhigi karo yoolalka caalamiga ah ee ilaalinta deegaanka.






