https://www.premierbank.so/

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Rasaas Ku Furey Shacabka Degmada Dayniile

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay rasaas nool u adeegsatey dad shacab ah oo ka hor yimid in laga qaado dhulkooda, kuwaas oo ku nool degmada Dayniile ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen rasaas ay ciidamadu ku fureen dad ka cabanayay duminta guryahooda, kadib markii cagafyo lagu burburinayey guryo ku yaalla xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa ayaa marar badan lagu eedeeyaa inay ku lug leeyihiin qaadashada iyo bililiqaysiga dhulka danta guud, gaar ahaan kuwa ay degan yihiin dadka danyarta ah ee ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Xaaladahan oo kale ayaa inta badan sababa khasaare naf iyo mid dhaawacba leh, marka la fulinayo barakicinta dadka ku nool goobahaas.