Raysalwasaaraha Israaiil ayaa ammaanay dimuqraadiyadda iyo Nabadda Somaliland, Soomaaliyana ku tilmaamay dal ay joogaan ar****Xiso
Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta maraykanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benyamiin Netanyaahu ayaa si cad u difaacay go’aanka Israa’iil ay sida rasmiga ah ugu aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland, jimcihii lasoo dhaafay.
Netanyaahu ayaa ku tilmaamay Jamhuuriyadda Somaliland bulsho Muslim ah oo, dimuqraadi ah, isla markaana leh xasillooni siyaasadeed, taas oo doonaysa inay ku biirto Heshiisyada Nabadda ee Abraham.
Wuxuu Somaliland ka soocay Soomaaliya, oo uu sheegay inay weli wajahayso amni-darro iyo qalalaase siyaasadeed. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tilmaamay in Soomaliya ay ku suganyihin ar*xisada A.S oo halkaas ay ka yimaadaan arxiso badan, oo aan laga qaban wax doorasho ah tobanaan sano.
Hadalkan Netanyahu ayaa muujinaya in aqoonsiga Somaliland aanu ahayn oo keliya mid siyaasadeed, balse uu yahay go’aan istiraatiiji ah oo ku salaysan dano amni, xasillooni, iyo iskaashiga gobolka ah.






