https://www.premierbank.so/

Ward murtiyeedka kasoo baxay Shirka Ururka Saxaafada Somaliland

Maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka December, 2025, ayaa shir ballaadhan oo muhiim ah isugu yimi saxaafadda ka hawlgasha guud ahaan Somaliland. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray doorka saxaafaddu ku leedahay xoojinta midnimada bulshada, ilaalinta qiyamka qarannimo, iyo horumarinta qadiyadda aqoonsiga Somaliland.

Intii uu shirku socday, waxa si qoto dheer loo falanqeeyey masuuliyadda warbaahinta ee ku aaddan wacyigelinta bulshada, ilaalinta danaha qaranka, iyo ka shaqaynta midnimo iyo wadajir bulsho. Ka qaybgalayaashu waxay si wadajir ah isugu raaceen in la sare u qaado codka iyo dadaallada ku aaddan aqoonsiga Somaliland, isla markaana laga fogaado wax kasta oo wax u dhimaya danaha qaranka iyo midnimada ummadda.

Sidoo kale, shirku waxa uu si cad u adkeeyey in saxaafadda Somaliland noqoto mid masuul ah, mideysan, kuna shaqaysa anshaxa saxaafadeed iyo mas’uuliyad qaran. Waxaa la isla qaatay in xogaha iyo warbixinada la gaadhsiinayo bulshada ay si buuxda masuuliyaddooda u leeyihiin suxufiyiinta, arrintaasna ay saxaafaddu damaanad qaadday.

Baaqii Shirka

Shirku waxa uu baaq u diray dhammaan warbaahinta Somaliland, gaar ahaan TV-yada, idaacadaha, iyo warbaahinta kale, in ay xoojiyaan wacyigelinta bulshada, kana shaqeeyaan adkaynta midnimada, wadajirka, iyo isfahanka ummadda.

Waxa kale oo shirku adkeeyey in warbaahinta Somaliland ay si buuxda u taageerayso qarannimada iyo danaha Somaliland, isla markaana aan la siin madal, difaac, ama taageero cid kasta oo si cad uga hor imanaysa qadiyadda qaran ee Somaliland.

Dhanka kale, shirku waxa uu go’aamiyey in Ururka SOLJA uu dhisayo guddi u gaar ah oo dhegaysata cabashooyinka laga keeno warbaahinta, isla markaana ay diyaar u yihiin in tallaabo sharci iyo anshax saxaafadeed waafaqsan laga qaado cid kasta oo ka tirsan warbaahinta oo ku kacda falal ka baxsan shuruucda dalka iyo anshaxa saxaafadda.

Ugu dambayn, shirku waxa uu ugu baaqay xukuumadda Somaliland in ay si dhaw ula shaqayso warbaahinta, isla markaana ay si joogto ah u siiso xog rasmi ah, si looga hortago faafinta warar been abuur ah iyo xog khaldan oo ay ka faa’iidaysan karaan cadawga Somaliland.

— DHAMMAAD