https://www.premierbank.so/

Maraykanka oo doonaya inuu qabsado Dhulweynaha greenland

Xiisad diblomaasiyadeed oo cusub ayaa ka dhalatay magacaabista Maraykanku u sameeyay wakiil gaar ah oo u qaabilsan Greenland, tallaabo ay si adag uga horyimaadeen Denmark iyo maamul hoosaadka Greenland.

Raโ€™iisul Wasaaraha Greenland ayaa sheegay in iskudaygan lagu doonayo in Greenland lagu wareejiyo aanu marnaba ahayn mid la aqbali karo, isagoo xusay in mustaqbalka Greenland ay goโ€™aaminayaan dadkeeda oo keliya. Denmark ayaa iyaduna ku celisay in Greenland ay leedahay is-maamul, islamarkaana aan lagu heli karin cadaadis dibadeed.

Masโ€™uuliyiintu waxay sheegeen in magacaabista wakiilka Maraykanka aan lagala tashan, taas oo dhalisay walaac ku saabsan xidhiidhka labada dhinac. Midowga Yurub ayaa taageero u muujiyay Denmark iyo Greenland, iyagoo ku adkeeyay in madax-bannaanida dhulalka Yurub aan laga gorgortami karin.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli cidhifka dunida ee Artic-ga noqday goob ay quwadaha waaweyn ku tartamaan, sababo la xidhiidha amniga, iyo kheyraadka dabiiciga ah ee gobolka.