MAXAA UGU JIRA SOMALILAND XEERKA DIFAACA QARANKA MARAYKANKA (NDAA S.1071)?
Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump, ayaa si rasmi ah u saxeexay Sharciga Difaaca Qaranka ee sannadka 2026 (NDAA), kaas oo dejinaya jihada amniga, difaaca iyo siyaasadda dibadda ee Maraykanka. Sharcigan ayaa xambaarsan qodob miisaan culus leh, kaas oo si cad u adkaynaya in awoodda aqoonsiga dawladaha shisheeye ay tahay awood Dastuuri ah oo si gaar ah ugu jirta gacanta Madaxweynaha Maraykanka.
NDAA wuxuu muujinayaa in aqoonsiga dal ama maamul cusub, go’aaminta cidda Maraykanku la macaamilayo, iyo jihaynta siyaasadda dibadda ay dhammaantood hoos yimaaddaan go’aanka Madaxweynaha, isla markaana aanay jirin hay’ad kale oo si toos ah u xaddidi karta awooddaas.
Iyadoo qodobada Xeerka NDAA si cad u adkaynayo awoodda Madaxweynaha, waxa ay dib u furaysaa doodda ku saabsan suurtagalnimada in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah, gaar ahaan xilligan uu hoggaaminayo Madaxweyne Trump. Tani waxay muujinaysaa in aqoonsigu aanu ku xidhnayn Aqalka Baarlaamaanka ee Congress-ka, balse uu ku xidhan yahay aragti siyaasadeed, dan amni, iyo go’aan Madaxweyne.
Somaliland, oo ku caan ku ah nabad la hubo, hay’ado dawli ah oo shaqeeya, doorashooyin joogto ah, iyo halka ay ku taallo oo ah bogcad muhiim ah oo ah Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxay si muuqata ula jaanqaadi kartaa danaha amni, ganacsi iyo istiraatiijiyadeed ee Maraykanka. Dhinaca kale, Maraykanku wuxuu danaynayaa Marsada iyo Madaarka Berbera. Sidaas awgeed, doonista siyaasadeed ee Aqalka Cad, Xeerkan wuxuu si cad u xaqiijinayaa in Madaxweynaha Maraykanku awood buuxda u leeyahay inuu qaado tallaabo taariikhi ah oo ku wajahan aqoonsiga Somaliland, iyada oo aan loo baahnayn aqalada sharcidejinta.






