https://www.premierbank.so/

Aljazeera ayaa Ogaatay in Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya Xogta Kumanaan Qof Halis Geliyay:

Warbixin ay maanta soo saartay Al Jazeera ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka cusub ee e-visa ee Soomaaliya uu leeyahay cilad amni oo halista ah, taasoo u suurto gelinaysa in xogta shakhsiga ah ee kumanaan qof lagula soo degikaro hab fudud.

Warbixinta Aljazeera ayaa lagu sheegay in cilladda amni ee bogga dalabka e-visa laga yaabo in ay u ogolaato cid kasta in ay soo dejiso macluumaad xasaasi ah sida:
✔️ Magacyada buuxa
✔️ Taariikhda dhalashada
✔️ Faahfaahinta baasaboorka
✔️ Xogo kale oo shakhsi ah

Al Jazeera ayaa xaqiijisay in ay tijaabisay jiritaanka nuglaanshahaas, isla markaana ay awood u yeelatay in ay soo dejiso e-visa-yo ay ku jiraan xog shakhsiyadeed oo ay ka mid yihiin dadka ka soo jeeda Soomaaliya, Portugal, Sweden, Mareykanka iyo Switzerland. 

Haddaba arrintan waxay timid kadib markii bishii hore ay soo baxeen warar sheegaya in in ka badan 35,000 qof xogtooda la jabsaday ama la soo bandhigay markii nidaamka hore ee e-visa uu la kulmay jabsi internet, taas oo keentay digniin laga soo saaray safaaradda Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska. 

Khubarada amniga internetka waxay ku tilmaameen xaaladdan fashil amni oo weyn, iyaga oo sheegay in xogta lagu soo bandhigi karo shirqoollo sida xatooyo aqoonsi (identity theft), khiyaano lacageed, ama xataa ururisiga macluumaadka ee kooxo dambiyada sameeya. 
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in hay’adaha dowladda Soomaaliya loo sheegay nuglaanshahaas, balse aanay uga jawaabin si rasmi ah isla markaana aan weli la saxin.