https://www.premierbank.so/

Madaxwaynaha Masar Cabdifatax Al-Sisi oo hab qaabilaad rasmi ah u sameeyey Al-Burhaan

Hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Jeneraal Cabdifatax Burhaan, ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Qaahira. Madaxweynaha Masar, Cabdifatax Al-Sisi, ayaa si gaar ah u qaabilay.

Safarka Cabdifatax Burhaan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah, iyadoo lagu wado in uu diiradda saaro xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee Suudaan, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Masar iyo Suudaan, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan saameynta dagaalka Suudaan ku yeeshay gobolka, dadaallada lagu doonayo in xal nabadeed loo helo colaadda, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa wada-shaqeynta labada dal ee deriska ah.

Masar ayaa marar badan muujisay taageerada ay u hayso midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida Suudaan, waxaana booqashadan loo arkaa mid xoojinaysa doorka Qaahira ee arrimaha Suudaan iyo Geeska Afrika.