https://www.premierbank.so/

Muhaajiriin Afrikaan ah oo qabaw aad u daran ugu geeriyooday xadka u dhaxeeya dalalka Morocco iyo Algeria

Sagaal qof oo muhaajiriin Afrikaan ah ayaa ku geeriyooday qabow daran oo ka dhacayay meel u dhow xadka u dhexeeya dalalka Morocco iyo Algeria. Ururrada xuquuqda aadanaha ee Morocco ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid aad u naxdin badan isla markaana ah xadgudub ka dhan ah xuquuqda xorriyadda dhaqdhaqaaqa. Muhaajiriintu waxay ku dhinteen heerkul aad u hooseeya kadib markii jirarkooda oo aad u daalay uu u adkeysan waayay qabowga daran.

Meydka toddoba nin iyo laba dumar ah ayaa laga helay deegaanka buuraleyda ah ee Ras Asfour, oo ah goob fog laguna yaqaan qabowga daran xilliga jiilaalka. Mid ka mid ah dadka dhintay ayaa ka soo jeeday dalka Guinea, halka kuwa kale ay ka yimaadeen dalal kala duwan oo ku yaalla Afrikada Saxaraha ka hooseysa, inkastoo aqoonsigooda weli si buuxda loo xaqiijin.

Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay khatarta ay wajahaan muhaajiriinta isku dayaya inay si sharci-darro ah uga gudbaan Waqooyiga Afrika una gudbaan Yurub. Sannad kasta, kumannaan qof ayaa isku daya inay gaadhaan Spain iyaga oo maraya Morocco, qaarna waxay u jihaystaan Ceuta, Melilla ama Jasiiradaha Canary, iyaga oo wajahaya halis naf-gooyo ah. Ciidamada ammaanka ee Morocco ayaa inta badan joojiya isku dayadan.

Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay in xuduudaha loo wajaho si bini’aadantinimo leh, lana joojiyo dembi ka dhigista socdaalka sharci-darrada ah. Sidoo kale waxay dalbadeen in la sameeyo nidaam lagu daba-galo muhaajiriinta maqan si looga hortago masiibooyin kale oo la mid ah tan ka dhacday Ras Asfour.