https://www.premierbank.so/

Kumannaan Rakaab ah ayaa ku xayirmay wadamo badan oo Qaarada Aasiya

Kumannaan rakaab ah ayaa maanta ku xayirmay qaaradda Aasiya kadib markii ay carqalado ballaadhan ku yimaadeen nidaamka duulimaadyada diyaaradaha. Guud ahaan, 2,774 duulimaad ayay arrintai si wayn u samaysay, kuwaas oo isugu jira 2,550 dib-u-dhac iyo 224 duulimaad oo la baajiyay. Dhibaatadu waxay taabatay dalal ay ka mid yihiin Japan, Singapore, Malaysia, Imaaraadka Carabta, iyo Hong Kong, iyadoo magaalooyinka Tokyo, New Chitose, Singapore, Kuala Lumpur, Dubai, iyo Hong Kong ay noqdeen kuwa ugu saameynta badan.

Japan waxa ka dhacay duulimaadyadii ugu badanaa ee la baajiyo , gaar ahaan New Chitose 133 ayaa la baajiyay iyo Tokyo Haneda oo 84 duulimaad la kansalay , taasoo inta badan lala xidhiidhiyay cimilada oo aad u xumaatay iyo culays dhanka hawlgalada ah. Dhanka kale, garoomada waaweyn ee Kuala Lumpur 690 duulimaad dib u dhacay, Singapore Changi 458 ayaa hakad galay iyo Dubai oo 359 la kulmeen dib-u-dhacyo badan, taasoo muujinaysa cidhiidhiga garoomada iyo culays ku yimid jadwalka duulimaadyada.

Shirkadaha diyaaradaha ee ay arrintani sida wayn u saamaysay waxaa ka mid ahaa AirAsia Group, Japan Airlines, ANA/ANA Wings, Singapore Airlines, Scoot, Emirates, iyo flydubai.