https://www.premierbank.so/

Dalalka Mali, Burkina Faso & Niger ayaa bilaabay bangi maalgashi oo ay ku midoobeen.

Dowladaha ay milatarigu hoggaamiyaan ee Mali, Burkina Faso iyo Niger ayaa si rasmi ah u bilaabay bangi maalgashi goboleed oo cusub.

Bangigan cusub waxaa lagu maalgeliyay 500 bilyan oo CFA francs ah, taas oo u dhiganta ku dhowaad 895 milyan oo doolar. Ujeeddada bangigu waa in lagu taageero mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo beeraha ee saddexda dal.

Mas’uuliyiinta dalalkaasi ayaa sheegay in bangigu uu mideyn doono kheyraadka dalalka, isla markaana uu ka caawin doono horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta mashaariic istiraatiiji ah.

Si bangiga loo maalgeliyo, dal walba wuxuu bixin doonaa qiyaastii 5 boqolkiiba dakhliga canshuuraha, taas oo lagu yareynayo ku-tiirsanaanta deeqaha shisheeye.

Wasiirka Maaliyadda ee Mali ayaa sheegay in bangigu hadda si rasmi ah u hawlgalay, ayna bilaaban doonto magacaabista hoggaankiisa, si loo helo maalgelin dheeraad ah oo gobol ahaan ah.

Saddexda dal oo ka baxay Ururka Dhaqaalaha Dalalka Galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa wajahaya caqabado badan oo ay ka mid yihiin xasillooni-darro siyaasadeed iyo cadaadisyo cimiladeed. Waxay ku eedeeyeen ECOWAS inuu ku guuldarreystay taageeridda dagaalkooda ka dhanka ah kacdoonnada Islaamiga ah ee sii fidaya.