Qiimaha Shiidaalka Naaftada ayaa sare u kacay dhamaadka sannadkan 2025 dalal badan oo Afrikaan ah
Qiimaha Shidaalka Naaftada ayaa Sare u kacay dhammaadka sannadkan 2025 Dalal badan oo Afrikaan ah.
[Naaftadu waa shidaalka ay isticmaalaan gaadiidka, korontada iyo beeraha. Marka naaftadu qaali noqoto, nolosha dadka way adkaataa.
Dhammaadka sanadka 2025, waxaa jira 10 dal oo Afrikaan ah oo naaftadu aad ugu qaali tahay.
Dalka ugu naaftada qaalisan qaaradda afrika waa Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Hal litir naafto ah wuxuu gaadhay ilaa $2.33.
Dalal kale oo naaftadu qaali ka tahay waxaa ka mid ah: Malawi, Zimbabwe, Seychelles, Cameroon, iyo Sierra Leone.
Bishii ugu dambeysay:
- Qiimaha naaftada wuxu sare u kacay dalalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Seychelles, iyo Senegal.
- Qiimaha naaftada ayaa hoos u dhacay Cameroon iyo Burundi.
Bishan Diseembar, Kenya ayaa gashay liiska dalalka ugu shidaalka qaalisan qaaradda.
Shidaalka marka uu qaali noqdo waxa kale oo sare u kac wayni ku yimaaddaa Cuntada, Qiimaha lagu raaco Gaadiidka waxa kale oo adkaada Ganacsiga, taasina waxay saamayn wayn ku yeelaataa nolosha dadka ku nool dabaqadda hoose.
Dadka saboolka ah way dhibtoodaan Haddii aan la helin tamar kale iyo shidaal gudaha lagu farsameeyo.






