https://www.premierbank.so/

Ghana iyo Israel oo Isu-Musaafuriyey Muwaadiniin Kadib Khilaaf Diblomaasiyadeed

Ghana & Israel……………….
Ghana ayaa musaafurisay saddex muwaadin oo Israa’iili ah, taas oo ah jawaab ay uga aar-goosanayso saddex muwaadin Ghana udhashay oo laga musaafuriyey Isrl toddobaadkii hore. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ghana ayaa sheegtay in muwaadiniintoodii si aan sharci ahayn looga saaray Isrl, isla markaana loola dhaqmay si “aan la aqbali karin”.

Dhacdada ayaa bilaabatay 7dii December markaas oo koox Ghanaiyiin ah oo ay ku jiraan afar xildhibaan oo u socday shir amniga internetka ah la xannibay markii ay gaareen Tel Aviv. Saddex ka mid ah ayaa loo diiday gelitaanka Isr**l waxaana lagu celiyay dalkoodii. Ghana waxay ku tilmaantay dhacdadan mid “argagax leh” oo muujinaysa in si gaar ah loo bartilmaameedsaday.

Si jawaab u eg uga bixiso, dowladda Ghana ayaa amar ku bixisay in saddex Isr**li ah oo dalka ku sugnaa isla markiiba dib loogu celiyo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Ghana ayaa sheegay in tallaabadani ahayd mid “lagu qasbay” kadib dhaqankii ka dhacay garoonka Ben Gurion.

Tallaabadan is-daba-joogga ah waxay abuurtay xiisad cusub oo labada dal u dhexaysa, iyadoo hadda labadoodaba ay ku dadaalayaan sidii diblomaasiyad loogu dejin lahaa.