https://www.premierbank.so/

“Bitcoin oo Ku Laabatay Koboc Degdeg ah, Suuqa Crypto-ga oo Hal Maalin ku Kacay in ka Badan 6%”

Qiimaha Bitcoin ayaa Talaadadii shalay si xoog leh kor ugu kacay in ka badan 6%, kaddib markii uu toddobaadyadii u dambeeyay wajahayay hoos u dhac ballaadhan. Lacagta adduunka ugu weyn ee dhijitaalka ah ayaa mar kale kor u soo kacday waaxanay manta gaadhay waxkabadan $93000, iyadoo bishii la soo dhaafay ay hoos u dhacday kana hoos martay heerka $90,000 markii ugu horreysay tan iyo Abriil.

Warbixinaha CoinMarketCap ayaa muujinaya in guud ahaan suuqa lacagaha dhijitaalka ahi uu hal maalin gudaheed oo shalay ah uu kor u kacay wax kabadan 6.6%, isaga oo gaadhay qiime lagu qiyaasay $3.09 tiriliyan. Keliya Bitcoin ayaa suuqiisu wuxuu kor u siibtay 6.7%, taas oo ka dhigtay qiime ganacsi oo dhan $1.81 tiriliyan.

Dhica kale lacagta Ethereum, oo ah lacagta labaad ee ugu weyn suuqa, ayaa iyaduna sare u kacday 8.6%, waxaana lagu kala iibsanayay qiyaastii $2,970.

Korodhkan degdegga ah wuxuu yimid iyadoo Bitcoin ay bishii November wajahday khasaare culus muddo gaaban gudaheed, inkasta oo kalsoonida suuqa ay sare u qaaday saadaasha ah in Bangiga Dhexe ee Maraykanka (Federal Reserve) ay suuragal tahay inuu gooyo dulsaarka bishan December, kadib marka hoos loo dhigo saadaasha GDP-ga iyo calaamadaha muujinaya in sicir-bararku uu hoos u dhacayo