Dalka Haiti dibadbaxyaal cadhaysan ayaa la wareegay xarunta degmada Saint-Marc ee dalka Haiti
Dibadbaxayaal cadheysan ayaa la wareegay xarunta degmada Saint-Marc ee dalka Haiti, iyagoo si cad u dalbanaya in dowladda iyo ciidamada ammaanku ay ka difaacaan kooxaha hubeysan ee kusii fidaya gobolka. Shacabka ayaa sheegay in ay ka daaleen hanjabaadaha joogtada ah, qaraxyada iyo afduubyada ay gaystaan maleeshiyaad dalkan kusoo batay muddooyinkii udanabeeyay.
Dibadbaxayaasha oo boqolaal gaadhaya ayaa gudaha u galay dhismaha maamulka magaalada, waxayna ku dhawaaqeen in aanay ka bixi doonin ilaa dowladda dhexe ay qaado tallaabooyin muuqda oo lagu xaqiijinayo amniga dadka shacabka ah. Waxaa sidoo kale halkaasi ka jeediyeen hadallo ay baaqayaan in la xoojiyo ciidamada booliska iyo in la joojiyo awoodda sii kordheysa ee kooxaha budhcadda ah.
Dalka Haiti oo ah wadan ku yaal Karibiya, kana mid ah jasiiradda Hispaniola ayaa muddo dheer la daaladhacayay amni darro baahsan, waxaana magaalada Saint-Marc ka jirta cabsi iyo hubanti la’aan sii kordhaysa maadaama maleeshiyaadku ay qabsadeen deegaano badan oo u dhow. Shacabka ayaase muujinaya isku day cusub oo cadaadis ku saaraya dowladda si loo soo celiyo xasiloonida.
Urur-goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa isku dayaya inay dhexdhexaadiyaan Milatariga afgamiyay dalka Guinea-Bissau iyo madaxwaynihii dalkaasi oo firxad kaga maqan caasimadda dalkaasi






