https://www.premierbank.so/

“Abiy Axmed oo Markale Ku Adkaystay Sheegashada Itoobiya ee Badda Cas, Eritrea oo Si Kulul u Diidan”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale sheegay in Badda Cas ay tahay xuquuq taariikhi ah iyo mid dabiici ah oo Itoobiya leedahay, isaga oo hadalkan ka jeediyay tababar loo qabtay hoggaanka xisbiga talada haya ee Barwaaqo.

Abiy wuxuu xusay in boqortooyooyinkii hore ee Itoobiya — laga bilaabo Punt ilaa Aksum — ay dhammaantood ku tiirsanaayeen Badda Cas, taas oo ka dhigtay Boqortooyadii Aksum mid ka mid ah afartii quwadood ee dunida waqtigeedii.

Hadalka Abiy ayaa yimi iyadoo xiisad siyaasadeed oo muuqata ay ka taagan tahay dadaalka Itoobiya ee helista marin badeedka, halka Eritrea ay si cad u diiday wax heshiis ah oo saameyn ku yeesha madax-bannaanideeda xeebeed.