https://www.premierbank.so/

Ninka ugu taajirsan dunida ayaa Soomaalida gobolka Minnesota ku shaanbadeeyay Musuqmaasuq baaxad leh:

Elon Musk oo ah ganacsadaha ugu hantida badan dunida maanta ayaa waxa uu hadalhayn badan ka dhaliyay baraha bulshada isagoo qoraal yar oo laba erey ah raaciyay warbixin Soomaalida ku eedeynaysay musuqmaasuq iyo taageerda ururada xagj’irka ah.

Warbixinta wariye Benny Johnson, oo uu soo qaatay Elon Musk ayaa sheegaysa in Soomaalida Minnesota ay carruur si khaldan ugu diiwaangeliyeen inay qabaan cudurada caruurtu ku dhalato ee AUTISM, iyagoo lacagihii loo siiyay daryeelka carruurtaasna qaarkood u dira Soomaaliya, halkaas oo loo tuhunsan yahay in ay lacagtii gaadhay gacmo qaldan iyo kooxo argagix*so ah.

Jariiradda City Journal ayaa ku doodday in malaayiin doolar oo la lunsaday ay si sharci darro ah uga faaiideen shabakad Soomaali ah.

Si kastaba ha ahaatee, eedeyntan ayaa imanaysa kadib fadeexaddii musuaasuqa ee Soomaalida Minnesota ee quudinta caruurta waqtigii Karoonaha ee 2020kii.

Dhinaca kale, saacado ka hor, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isaguna qoray inuu laalay Xeerka ilaalinta Soogaleetiga Minnesota, isagoo beegsanaya Soomaalida aan weli helin waraaqaha sharciga Maraykanka. Waxaana muuqata in dhinac laga maray oo geeska lagu riixayo Soomaalida Maraykanka, maamulkii iyo maalqabeenkiiba.

CBA