https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Carwada iyo Shirweynaha 7aad ee Teknoolajiyadda Somaliland


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Carwada Teknoolajiyadda Somaliland (Somaliland Technology Expo) oo lagu qabtay magaalada Hargeysa. Carwadan ayaa lagu soo bandhigay adeegyada iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shirkadaha ICT-ga ee dalka, iyo hal-abuurka ay sameeyeen dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku jira hayaanka dijitaalka casriga ah


Madaxweynuhu waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad miisaan leh, isaga oo hoosta ka xarriiqay saamaynta ballaadhan ee teknoolajiyadda casriga ahi ay haatan ku leedahay nolosha bulshada, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo maamulka laamaha Dawlada.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in teknoolajiyaddu maanta ay laf-dhabar u tahay horumarka, hiigsiga, iyo isbeddelka dunida. Wuxuu tilmaamay in dal kasta oo doonaya horumar iyo koboc uu khasab ku yahay inuu la jaanqaado tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka cusub ee dunidu ku tallaabsaty.


Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in Jamhuuriyadda Somaliland ay noqoto dal hoggaamiya hal-abuurka iyo horumarka dijitaalka ah.
Waxa uu ku booriyey hay’adaha dawladda, ganacsatada, iyo dhalinyarada in ay si buuxda uga faa’iidaystaan fursadaha ku jira teknoolajiyadda casriga ah, isla markaana ay qayb ka noqdaan dhismaha Somaliland dijitaal ah oo ku dhisan aqoon, hal-abuur, iyo horumar la taaban karo.


Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu iclaamiyey in la bixin doono Abaalmarin Madaxweyne oo sannadle ah (Yearly Presidential Award), taas oo la guddoonsiin doono qofka ku guuleysta hal-abuur cusub oo dhinaca teknoolajiyadda ah


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu si gaar ah u bogaadiyey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, tallaabooyinka muhiimka ah ee uu qaaday awgeed.


Dhinaca kale, Carwada Teknoolajiyadda Somaliland waxa iyaguna hadallo ka jeediyey wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo masuuliyiin sare oo ka socday shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta iyo teknoolajiyadda. Waxay halkaas ku soo bandhigeen horumarka ay gaadheen, adeegyada ay soo kordhiyeen, iyo qorshayaasha u yaalla mustaqbalka dhow ee xagga teknoolajiyadda casriga ah.


Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL, shaqaalaha iyo aqoonyahanka wasaaradda, iyo dhammaan bahda tiknoolajiyadda dalka, isaga oo ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dijitaalka ah ee qaranka, si uu dalkeenu ula jaanqaado hayaanka iyo isbeddellada xawliga ku socda ee xagga tiknoolajiyadda casriga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland